MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF AYAA QAABILAY WAFDI KA SOCDAY QARAMADA MIDOOBAY UU HOR KA CAYAY P.MAHIGA.
Posted by faarax macalin on 27/10/2010
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Axmed iyo guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sh Aadan ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay.
Extended News
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Axmed iyo guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sh Aadan ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayay Ergayga gaarka ah ee Xogahayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine P. Mahiga.
Kulankan oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayay Masuuliyiintaan uga wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii loo hormarin lahaa dadaallada nabadda ee waddanka.
Ergayga gaarka ah ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya barlamaanka ee ku aaddan qaabka ansixinta R/wasaaraha, wuxuuna sheegay in caalamku uu sugayo R/wasaare ay yeelayo Soomaaliya si loo dardargeliyo dadaallada nabadda iyo bani’aadamnimada ee dalka.
Kulankaan oo saxaafaddu ay dibad joog ka ahayd ayaa looga wada hadlay arrimo badan, waxaana warar aan ka helnay ilo ku dhow shirka sheegayaan In Danjire Mahiga uu madaxda ka codsaday in dhaqsi la dhameeyo khilaafka lana helo R/wasaare, taas oo caalamku uu aad u doonayo waqtigaan xasaasiga ah.
Farah Moalim Adam
Camalow Online
aadams2@hotmail.com