Ra'iisul wasaaraha somalia c/weli cali ayaa la kulmay dhigiisa dalka uganda ay ka wada hadleen xiriirka laba dal ee saaxiibka ah.
Posted by faarax macalin on 29/06/2012
Kulanka markii oo soo dhamaaday ayaa Ra’isul wasaare C/wali Max’ed Cali waxaa uu warbaahinta ugu war bixiyay kulanka ay wada qaateen isaga iyo dhigiisa dalka Uganda.
Extended News
Ra’isul wasaraha Dalka Soomaaliya Mudane C/wali Max’ed Cali iyo wafdi uu hogaminayo oo gaaray dalka Uganda isla markaana booqasho 3-maalin ah ku joogi doona Dalka Uganda ayaa shalay waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa Uganda Amama Mbbazi,waxaana ay ka wada hadleen xaaladaha horumareed ee dalka,xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo guulaha is daba yaala ee ay gaareen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Kulankani oo ka dhacay Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Uganda Amama Mbbazi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Difaacada Uganda,Safiirka Uganda ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Uganda sidoo kale kulanka waxaa qeyb ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo qaar ka mid ah wafdiga Ra’isul was are Gaas.
Kulanka markii oo soo dhamaaday ayaa Ra’isul wasaare C/wali Max’ed Cali waxaa uu warbaahinta ugu war bixiyay kulanka ay wada qaateen isaga iyo dhigiisa dalka Uganda .
“Kulanka aan wada qaadanay Amama Mbbazi waxaa uu ku saleysnaa sidii loo sii adkeyn lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal” Ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas
Ra’isul wasaare Gaas ayaa waxaa uu dalka Uganda joogayaa 3-maalin iyadoo lagu wado inta uu joogo dalka Uganda in uu kulan la qaato Jaaliyada Soomaaliyeed ee Uganda,waana booqashadiisii ugu horeysay ee uu ku tago tan iyo markii uu qabtay xilka Ra’isulwasaarenimo ee Soomaaliya.