Xoghayaha dowlada ingiriiska William Hague oo ka qayb galayo shirka istanbul ayaa sheegay britain taagereeyso geedi socodka nabada cidii ka hortimaadada ay talaabo cad ka qaadi doonaan balse ay eegi d
Posted by faarax macalin on 01/06/2012
Ujeeddadii Shirka London ee Soomaaliya ee la qabtey bishii Febraayo waxaa ay ahayd in la dardargeliyo oo la iskuna duwo dadaalka caalamiga ah ee ku wajahan Soomaaliya.

Extended News
Xoghayaha arrimaha Dibedda Britain , William Hague ayaa ka mid ah madaxda calaamka ee ka qeyb galaya shirka Istanbul. Mr Hague ayaa kaga hadlay hormurka la garaay kadib shirkii London ee Soomaliya.

1da Juunyo waxaan joogi doonaa Istanbul oo aan kaga qaybgeli doono shir ballaaran oo caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya, shirkaan oo ah kii labaad oo weyn oo ku saabsan Soomaaliya oo la qabanayo sanadkaan dhexdiisa, waxaan soo dhoweyneynaa hoggaaminta Turkiga ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo ay weheliyaan Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo ay wada martigelinayaan shirkan maanta.

Ujeeddadii Shirka London ee Soomaaliya ee la qabtey bishii Febraayo waxaa ay ahayd in la dardargeliyo oo la iskuna duwo dadaalka caalamiga ah ee ku wajahan Soomaaliya. Horumar lixaad leh ayaa la sameeyey saddexdii bilood ee la soo dhaafey.

Al Shabaab weli dib-u-gurasho ayaa ay waddaa waxaana Muqdisho dhexdeeda ay dadku hadda awoodeen in ay ku noolaadaan nolol caadi ah – in ay sameeyaan ganacsiyo, in ay tagaan dugsiyada. In kasta oo malaayiin qof ay weli u baahan yihiin gargaar degdegga ah, haddana macaluushii waa ay dhammaatey.

Markii ugu horreysey muddo tobonannaan sano ah, ayaa ergooyin diblomaasiyadeed ay si joogto ah u tegi karaan Muqdisho. Saddex wasiir oo British ah ayaana intii sanadkaan ahayd booqasho ku tegey hadda waxaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya laga wada dhowrayaa sida ay awoodda si nabad ah ugu wareejiyaan marka muddada ku-meelgaarka ah ay dhammaato bisha Agoosto.

Tani waxaa ay muhiim u tahay in la hubiyo in horumarkii la sameeyey dhowrkii bilood ee la soo dhaafey aanu meesha ka bixin waxaan aqoonsannahay in geeddi-socodka lagu soo xulayo hoggaamiyeyaasha Soomaalida ah ee soo socda aanu dhaliil la’aan ahaan doonin ilaa la helo ammaan dad ugu filan in ay dhacaan doorashooyin qaran.

Laakiin waxaa jira fursad taariikhi ah oo lagu beddeli karo sidii ay xaaladdu ahaan jirey oo Soomaaliya lagu soo ridi karo waddada dib-u-soo-kabashada taasi waxaa uu macnaheedu yahay in laga shaqeeyo sidii geeddi-socodka looga dhigi lahaa sida ugu wanaagsan ee uu noqon karo, iyo in lagu dadaalo in la sii wanaajiyo inta waqtigu uu socdo.

Waxaan dooneynaa in aan aragno geeddi-socod furan oo loo dhan yahay oo looga heshiiyo dastuurka Soomaaliya iyo soo xulidda Baarlamaanka xiga iyo dadaal ku aaddan kordhinta daahfurnaanta iyo wax ka qabashada musuq-maasuqa.

Guddiga Wadajirka ah ee Maareynta Maaliyadda, oo Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah in ay dhiseyto ku oggolaatey Shirkii London, ayaa muhiimad weyn u lahaan doona xaqiijinta arrintan bulshada caalamku waxaa ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii loo gaari lahaa arrintan waxaana aan ku mideysannahay fikirka aan wada aaminsannahay oo ah in muddada ku-meelgaarka ah la soo gebogebeeyo.

Dowladda UK waxaa ay bixineysaa £1 milyan oo Gini oo ay ku taageereyso geeddi-socodka siyaasadda in kasta oo aan soo dhoweyneyno dood caafimaad qabta oo la yeesho, haddana waxaan diyaar u nahay in aan tallaabo ka qaadno kuwa isku dayaya in ay lug gooyaan oo ay qasaan geeddi-socodka.