Wasiiro dowlaha gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa booqday furumaha dagaalka ee laga saaray shabaab si ay u dhiiri galiyan ciidamada.
Posted by samatalis sheekh adam on 28/05/2012
Wasiiru dowlaha wasaaradda difaaca Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallim Nuur oo ay wehliyeen taliyaha ciidamada xoogga dalka S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Extended News
Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa kormeer howleed ku tagay difaacyada ay ciidamada Dowladda ka sameysteen deegaannadii ugu dambeeyay ee laga saaray Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Wasiiru dowlaha wasaaradda difaaca Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallim Nuur oo ay wehliyeen taliyaha ciidamada xoogga dalka S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil kale ayaa kormeer ku Tagay difaacyada ay ciidamada qalabka Sida ku leeeyihiin jiidaha hore ee dagaalka halkaas oo ay kula hadleen warbaahinta

Taliyaha ciidamada xoogga dalka S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini oo la Hadlay Warbaahinta ugu hambalyeeyay ciidamada guulaha ay Gaareen waxa uuna Taliyhu xusay inaan marnaba la ogolaan karin in Askari ka tirsan ciidamada uu Dhibaato u geysto dadka rayidka ah iyo Hantidooda.

Sidoo kale wasiiru dowlaha wasaradda difaaca xukuumadda KMG ah Maxamuud Macallim Nuur oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa ku Amaanay ciidamada Doorka muhiimka ah oo ay ka qaateen Badbaadinta shacbiga waxa uuna wax lagu farxo ku tilmaamay wasiirku Howlgallada ay kusii baacsanayaan haraadiga kooxda laga itaalka Roonaaday ee shabaab.

Wasiiru dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Qalabka sida ayaa wacad ku maray in ay dhowaan soo afjari doonaan Jiritaanka kooxda Al-qaacidda waxa ayna si wadajir ah ugu baaqeen dhallinyarada ay qaldeen shabaab in ay isaga soo baxaan kooxdaasi oo Ay isu soo dhiibaan ciidamada dowladda si ay u helaan mustaqbal.