Wakiilka gaarka ahee qaramada midoobay ayaa walaac ka muujisay xukunk ay maxkamada ciidamada somaliland riday asigoo ku baaqay in s deg deg ah madani loogu celiyo xukunka si ay u helaan cadaalad.
Posted by samatalis sheekh adam on 20/05/2012
Wakiilka gaarka ah ee Xog’hayaha guud Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga oo soo saaray warsaaxaafadeed ayaa ugu Horeyntii ka hadlay.

Extended News
Qaramada midoobay ayaa walaac ka muujisay Xukunno ay dhowaan Maxkamadda Milateriga maamulka la magac baxay Soomaaliland ku ridday in ka Badan 22 qof oo dad shacab ah kuwas oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Weerar lagu qaaday Ciidamo hoostaga maamulkaasi, iyadoo dhanka kale ku Baaqday in si deg deg ah baritaanno madaxbannaan loogu sameeyo dadkii ka Dambeeyay qalalaasahaas.

Wakiilka gaarka ah ee Xog’hayaha guud Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga oo soo saaray warsaaxaafadeed ayaa ugu Horeyntii ka hadlay isku dhacyo rabshado wata oo dhowaan ka dhacay magaalada Hargeysa islamarkaasna u dhexeeyay Ciidamada amniga Soomaaliland iyo dad Shacab ah kuwaas oo sababay dhimashada dad farabadan Oo labada dhinac ah, 17 ka mid ah dadka la eedeeyay in ay ku lug lahaayeen ayaa Toogasho lagu xakumay halka 5 kalena xabsi daa’in lagu xukumay.

Ambassador Mahiga ayaa warsaxafadeedkiisa ku sheegay in uu aad uga xunyahay Dadkii ka geeriyooday labada dhinac ,isagoo xusay in Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda milateriga Soomaaliland uusaan waafaqsaneyn Xeerarka caadiga ah Dhaqanka iyo shuruucda, isagoo ku baaqay in si deg deg ah kiiskaasi Loogu Gudbiyo Maxkamadda dambiyada waxa uuna Mahiga ku dhiirageliyay Mas’uuliyiinta maamulka Soomaaliland in eedeysanayaashaasi ay helaan garsoor cadaalad ah oo waafajiyaan xeerarka caalamiga ah.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahiga ayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray gebogebadiisa ku baaqay in la Sameeyo baaritaanno cad oo madax bannaan islamarkaasna dhexdhexaad ah oo ku Saabsan ciddii ka dambeysayshilka ka dhacay Hargeysa iyo natiijooyinki kale ee ka Dhashay.

Maalmo ka hor ayaa maxkamadd ku taalla magaalada Hargeysa waxa ay ku Dhawaaqday in ay 17 qof oo shacab ah ku xakuntay dil toogasho ah halka 5 kalena Ay sheegtay in ay go’aamisay in ay xabsi daa’in ahaadaan kadib markii dadkaasi Lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Soomaaliland ku lahaayeen duleedka magaalaad Hargeysa.