Maamulka gobolka hiiraan ayaa dhagax dhigay garoonka ugaas khaliif ee magaalada baledweyne si loo dayactiro bur burkii kasoo gaaray dagaaladii socday afartii sano ee la soo dhaafay.
Posted by samatalis sheekh adam on 16/05/2012
Gudoomiyaha Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in maamulkiisa aay ka goán tahay dhismaha iyo dayactirka.

Extended News
Maamulka gobolka Hiiraan iyo ganacsatada gobolka ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismo dayactir ah oo lagu sameynayo garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne.

Gudoomiyaha Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in maamulkiisa aay ka goán tahay dhismaha iyo dayactirka xarumaha bulshada isagoona ugu baaqay ganacsatada iyo dadweynahaba inay si iskaa wax u qabso uga qeyb qaataan dib u soo nooleynta kaabiyaasha adeega bulshada.

Garoonka Ugaas Khaliif ayaa mudo dhan 4-sano aan la isticmaalin kadib markii dagaalo soo noq noqday aay halkaa ka dhaceen. waxaa kaloo iyadana mudadaa hakad galay warshad lagu qalo hilibka oo iyaduna markii garoonku xirmay xirantay, waxaana warshadaa ka shaqeysan jiray dad badan laga bilaabo kan xoolaha keena, kan dilaala, kan qala ilaa kan suuq geeya.

Diyaaradaha qaadka oo si joogto ah u imaan jiray ayaa iyaguna joogsaday, iyadoo la sheegayo in ganacsatada qaadka aay markan dhaqaalo ku bixiyeen in garoonka dayactir lagu sameeyo.