Dowlada sacuudiga ayaa sheegtay in 2 milyan oo dollay ay somalia ugu deeqday ayna usii marsiin doonta hay'adda uniecf si loogu gar gaaro caruurta somaliyed
Posted by samatalis sheekh adam on 16/05/2012
Xukuumadda Sacuudiga ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ugu talagaleen in lagu qabto Barnaamijyo wax looga qabanayo 25-kun oo Caruur Soomaaliyeed.

Extended News
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in shacbka Soomaaliyeed ay ugu deeqayso lacag gaaraysa 2-Milyan oo dollar-ka Maraykanka ah taasi oo ay usoo marinayso Xafiiska UNIECF ee Soomaaliya.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ugu talagaleen in lagu qabto Barnaamijyo wax looga qabanayo 25-kun oo Caruur Soomaaliyeed ah kuwaasi oo ay dhibaatooyin kala duwan ku haystaan dalka Soomaaliya.

Al-excandaro Khan oo ah uqeybsanaha dowladda Qadar ee UNIECF Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dowladda Sacuudiga ay door wax ku ool ah ka cayaarayso sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin aad u liita oo ka jira gudaha waddanka Soomaaliya, taasi oo ay reebtay abaarihii iyo dhibaatooyinkii bini’aadannimo ee ka dhacay waddanka Soomaaliya.

Khan ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu badan ee Soomaaliya ka taagan ay haysato Caruurta iyo Haweenka, isagoo tilmaamay in beesha Caalamka lagama maarmaan ay tahay inay wax ka qabato xaaladaha ka jira Soomaaliya.

Bishii December ee sanaddii 2011-ka ayaa dowladda Sacuudiga waxa ay dalka Soomaaliya ugu deeqday 1.8-Milyan oo dollar-ka Maraykanka kaasi oo ay usoo marisay Xafiiska UNIECF.