MANCHESTER CITY Oo Si Taariikhi Ah 44 Sanno Ka Dib Ku Guuleysatay Horyaalka Premier League.
Posted by Saeed on 14/05/2012
MANCHESTER CITY Oo Si Taariikhi Ah 44 Sanno Ka Dib Ku Guuleysatay Horyaalka Premier League.
Extended News
Manchester City ayaa noqotay horyaalka Ingariiska markii ugu horeysay tan iyo 1968dii iyagoo 5 daqiiqo oo ciyaarta lagu daray kaga badiyay 3-1 QPR oo marti ku aheyd Etihad Stadium.

Edin Dzeko ayaa barbareeyay ciyaarta daqiiqadii labaad ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ka hor inta uusan Sergio Aguero dhalinin goolkii horyaalka gacanta u geliyay Manchester daqiiqadii 4aad ee dheeriga aheyd.

Labada kooxood ayaa ku dhameystay min 89 dhibcood lakiin kooxda Roberto Mancini ayaa sideed gool waxa ay dheer yihiin kooxda Sir Alex Ferguson kuwasoo 1-0 kaga badiyay Sunderland.



Tartanka horyaalka ee xilli ciyaareedkan ayaa la dhihi karaa waa kii ugu xamaasada badnaa inta la xasuusto tartanka horyaalka Ingariiska, waxaana taageerayaasha City ay farxad darteed soo galeen garoonka markii ay ciyaarta dhamaatay.

Sergio Aguero ayaa noqday halyeey ay kooxda xusi doonto, isagoo shan daqiiqo gudaheed taageerayaasha Manchester City ka siibay waran xanuun badnaa islamarkaana ugu bedelay farxad ay sugayeen 44 sanno.

Manchester City ayaa noqotay kooxdii 5aad ee ku guuleysatay horyaalka Ingariiska tan iyo intii loo bixiyay Premier League 1992kii.

Magaalada Manchester waxaa haatan ku soo duushay oo qabsatay dayaxa baluuga ee City kuwaasoo ugu danbeyn aamusiyay kooxda Sir Alex Ferguson oo muddo badan madax ka aheyd magaalada Manchester.