Dhaqdhaqaa ciidan oo ka socdo Gobolka Hiiraan Gaar ahaan degmooyinka Buulla Burde iyo jalalaqsi ......,,.......
Posted by salaad on October 12 2018
Dhaqdhaqaa ciidan oo ka socdo Gobolka Hiiraan Gaar ahaan degmooyinka Buulla Burde iyo jalalaqsi ......,,.......
Extended News
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa dhaq dhaqaaqyo militari ka wada deegaanno hoostaga degmooyinka Buulla Burde iyo jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Howlgalka militari ayaa bilaawday kadib markii habeen hore xoogagga Al-shabaab weerar culus oo soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ee maamulka gobollka Hiiraan.
Dadka deegaanka ayaa Cabsi badan soo wajahday, iyadoona ka cabsi qabo in dagaal xoogan uu dhexmaro ciidamada xoogga oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Xooga iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen Deegaanka Buurweyn ee Gobalka Hiiraan.