XOG culus:-- Rooboow Abu Mansuur Oo Qorshe Gaar Ah Wata Si Uu Udhabar Jebiyo Shariif Xasan Sh.Aadan................................
Posted by salaad on October 10 2018
XOG culus:-- Rooboow Abu Mansuur Oo Qorshe Gaar Ah Wata Si Uu Udhabar Jebiyo Shariif Xasan Sh.Aadan................................
Extended News
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga aad ula socdaan dhaq dhaqaaqa guud Ee Murashaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ciidamo ilaalo u ah ayey wataan oo ay ku doonayaan inay nabad gelyada ku sugtaan,xilli ay hadda soo baxayaan digniino la bixiyey.

Ururka Al Shabaab ayaa waxa la sheegay inay diyaariyeen weerar ay ka geysan rabaan Magaalada Baydhabo Ee Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ka hor doorashada waxaa la sheegay in Al Shabaab ay rabaan inay qarxiyaan Magaalada si aysan doorasho udhicin,iyadoo Ciidamada Amniga ay ka feejigan yihiin weeraro dhaca.

Koonfur Galbeed waxaa ay wajaheysaa Dagaal Siyaasadeed oo qawaamuur ay iskugu yimaadeen,mid walbana uu guusha dhankiisa isla rabo Rooboow ayaa dhabar jebin ku sameenaya Shariif Xasan si uu kaga guuleysto una hor istaago in mar kale uu kusoo laabto madaxweynaha Maamulkaasi.

Inkastoo Abu Mansuur Rooboow uu doonayo sidii uu kaga takhluusi lahaa Shariifka hadana dhankiisa waxa uu wajahayaa culeysyo siyaasadeed oo mida dawlada dhankeeda ugu ballaaran tahay Si cad dawlada Dhexe uguma fasaxin inuu tartanka ka qeyb noqon karo Abu mansuur hadana waxaa la dareemayaa is hortaag weyn.

Lama Oga Sida uu xaalka noqon karo,balse Hardanka ugu weyn Ee Doorashada 17 November waxay udhaxeysaa Shariif Xasan iyo Rooboow,hadii Abu Mansuur la reebo waxaa laga yaabaa in Shariif Meel cidlo ah kursiga ka helo.