Khilaafkii Udhaxeeyey Dawlada Dhexe & Koonfur Galbeed Oo Sii Kordhay Kadib Dilkii…...............................
Posted by salaad on October 10 2018
Khilaafkii Udhaxeeyey Dawlada Dhexe & Koonfur Galbeed Oo Sii Kordhay Kadib Dilkii…...............................
Extended News
Xiisadda ayaa wali taagan, shalay oo Talaado ahaydna waxaa magaalada ka dhacay dibad baxyo looga soo hor jeedo dilkii habeen hore halkaa loo gaystay sheekh caan ka ahaa Wanlaweyn oo lagu magacaabi jiray Macallin Nuur Cismaan Bilaal.

Xaaji Yuusuf Caddow Buulle oo ah af hayeenka odayaasha dhaqanka ee degmada Wanlaweyn oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka Danab ee fadhigoodu yahay saldhiga Ballidoogle ay weerareen labo guri oo uu macallinka ku lahaa degmada Wanlaweyn.

“Gurigiisa hore way ka waayeen waxayna u geysteen dhac, ka dib ayay u gudbeen gurigiisa kale wayna heleen. Isaga iyo wiilkiisa ayay indhaha ka xireen. Wiilki way iska daayeen laakiin halkaas ayay macallinkii ku dileen” ayuu yiri Xaaji Yuusuf.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Wanlaweyn ayaa intaas ku daray in Macallinka la dilay uu maamule ka ahaa iskuul, isla markaana uu masaajidyada ka akhrin jiray kutub kala duwan oo diini ah.

Wuxuu intaa ku daray in ciidanka markii ay markii ay dilka geysteen ka dib ay warqad ku dhajiyeen darbiga guriga, taasoo ay ku sheegeen iney ninkaas u dileen maadaama uu ka tirsanaa Al Shabaab.