Warbixin:--ku dhawaad kun shil gawaari oo sanadkan laga diiwan geliyay Muqdisho....................................
Posted by salaad on October 10 2018
Warbixin:--ku dhawaad kun shil gawaari oo sanadkan laga diiwan geliyay Muqdisho....................................
Extended News
Magaalada Muqdisho waxaa sanadkaan sii dhamaanaya laga diiwaan geliyay in ay ka dhaceen ku dhawaad kun shil gawaari oo la sheegayo in badi sababtay Mooto Bajaaj.

Taliyaha Ciidanka taraafikada Gen Axmed Xasan Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 875-shil ay Muqdisho ka dhaceen 9-kii bilood ee la soo dhaafay kuwaasi oo 625-kamid ah sababeen Mooto Bajaaj Taliyaha ayaa sheegay in wadayaasha mooto Bajaajta oo aan lahayn qibrad ay keentay in ay bataan shilalka ka dhaca magaalada.

dhanka kale wadaaysha Mooto Bajaajta oo KNN la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin tiro intaasi la eg oo ay sabab u noqden , sidoo akle ciidanka taraafikada ayay ku eedeeyaan In Bajaajleydu qaladka saaraan iyaga oo laga qaldanyahaywaxaa ay dadka ka xeeya Mooto Bajaajta sheegayaan in mudooyinkaan danbe ay jiraan dhibaatooyin lagu hayo oo ay u arkaan in suuqa looga saarayo.