Ciidamo Itoobiyan ah oo Maanta Gudaha u galay Deegaan ku yaala Gobalka Bay...............................
Posted by xassan on October 01 2018
Ciidamo Itoobiyan ah oo Maanta Gudaha u galay Deegaan ku yaala Gobalka Bay...............................
Extended News
Wararka naga soo gaaraya Degaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 KM u jirta Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u badan ay maanta gudaha u galeen Degaankaasi, kadib markii Xalay halkaasi ay la wareegeen Al-Shabaab, iydoona markii dambe ay isaga baxeen Saakay degaanka.

Dadka deegaanka ayaa KNN u Sheegay in cabsi badan ay ka jirto deegaanka Goofguduud Buureey ee Gobalka Bay, kadib markii degaanka ay isku bad-badaleen Ciidamada Xoogga, Al-Shabaab iyo kuwa Itoobiya.

Boqolaal ka socda Ciidamada Itoobiya ayaa lagu arkayaa Maanta Gudaha degaanka Goofgaduud Buurey ee Gobalka bay Degaanka Goofgaduud Buureey horey uma joogin Ciidamada itoobiya ee Maanta gudaha u galay degaankaasi, waxaana halkaasi maamulayay Ciidamada xoogga iyo kuwa Maamul Koofur galbeed.