Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliy ayaa si kulul ugu hadlay eedeyn Xildhibaanada..........................................
Posted by salaad on September 27 2018
Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliy ayaa si kulul ugu hadlay eedeyn Xildhibaanada..........................................
Extended News
Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliy ayaa si kulul ugu hadlay eedeyn maalmahan ay jeedinayeen Mudanayasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ku eedeeyay in ay dhibaato ku hayaan Shaqada Xukuumadda, islamarkaana waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay mar walbo jecelyihiin in ay hor istaagaan Howlaha ay wado Xukuumada.

Sidoo kale Wasiir Goodax ayaa xildhibaanada ugu baaqay in ay ka shaqeeyan horumarka dalka, si loogu hortago waxyaabaha Amni daro ee ka dhaca dalka.

Maalmihii ugu dambeeyay ayay aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay Eedeyn u jeedinayeen Xukuumada Soomaaliya, iyagoona ku eedeeynayay in ay ku fashilan tahay in ay wax ka qabato amni darada ka jirta magaalada muqdisho.