Dowlada kenya oo baadi goobeysa sargaal lagu waayay weerarkii Shabaab ay ka fuliyeen gaarisa.............................
Posted by salaad on July 12 2018
Dowlada kenya oo baadi goobeysa sargaal lagu waayay weerarkii Shabaab ay ka fuliyeen gaarisa.............................
Extended News
Sargal ka tirsan Booliiska Kenya ayaa la’ayahay kadib markii koox hubeysan oo la tuhunsanyahay in ay Al-shabaab ka tirsanyihin ay Weerar ku qaadeen tuulo hoos tagta Magaaladda gaarisa ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya.

Kooxdu waxaa ay weerareen Rug ciidamadda Booliisku ku leeyihiin Tuuladda Hamey oo u dhow Xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, sida ay warineyso Warbaahinta KenyaKooxda ayaa la sheegay in jihooyin kala duwan tuuladda ka weerareen, islamarkaana ay rasaas is weydaarsadeen Ciidamadda booliiska.

Afar Askari ayaa la sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray Weerarka lagu qaaday Rugtii ay ku sugnaayeen ciidamada ee tuuladda Haameey.Madaxa booliiska ee Gaarisa David Karina ayaa Xaqiijiyay in uu socdo Howlgal lagu baadi goobayo sargaalka maqan.

Warbaahinta Kenya waxaa ay warinayaan in Ciidamadda Amaanku ay heleen warar ku saabsan in Weerar uu ku soo wajahanyahay ayna u sii diyaar garoobeen.

Weerarkaan waxaa uu imaanayaa isbuuc kadib markii Al-shabaab Weerar ay sheegteen lagu dilay Shan Askari oo booliiska ka tirsan.