Guddoomiyaha Gobalka oo digniin ka soo saaray Xoolaha lagu soo daayay xaafado ka mid ah Muqdisho.........................
Posted by xassan on July 04 2018
Guddoomiyaha Gobalka oo digniin ka soo saaray Xoolaha lagu soo daayay xaafado ka mid ah Muqdisho.........................
Extended News
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa digniin kama dambeys ah ka soo saaray Xoolaha ku nool magaalada Muqdisho ee wareegaya Suuqyada, Wadooyinka iyo Xaafadaha Muqdisho kuwaas uu sheegay iney wax u dhimayaan Nadaafadda iyo Bilicda Gobalka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Milkiilayaasha Xoolaha ee aan ka ilaalin Gudaha magaalada isagoo kula taliyay iney Guryahooda iyo xeryaha gaarka ee loogu talagalay ay ku heestaan Xoolaha ay milkiyadooda leeyihiin.

Arintaan ayuu ku sheegay iney tahay mid wax looga qabanayo Nadaafadda Muqdisho si ay usoo laabato Bilicda Magaalada oo mudooyinkii ugu dambeeyay dadaal xoog leh loogu jiray in dib loo soo nooleeyo.

Meelo badan oo ka mid ah Muqdisho ayaa lagu arkayaa Nuucyo ka mid ah Xoolaha ay dhaqdaan Shacabka Soomaaliyeed sida Ariga, Lo’da iyo Dameerka kuwaas oo soo fariista Laamiyada, Suuqyada iyo Xaafadaha Qaar waxayna saameeyaan Nadaafadda goobaha ay tagaan.