Ciidamo Ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland Oo ku Dagaalamaya deegaanka God Qaboobe................................
Posted by xassan on January 09 2018
Ciidamo Ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland Oo ku Dagaalamaya deegaanka God Qaboobe................................
Extended News
Waararka ka imaanaya deegaanka God Qaboobe ayaa tilmaamaya in hada uu kasocdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland, deegaankaas ayaa ku dhaw deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo Saakay ciidamada Somaliland ay la wareegeen.

Sidda ay u xaqiijiyeen KNN dadka degaanka dagaalka ayaa ah mid xooggan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus iyo midka fudud Dagaalkaan ayaa daba socda dagaal Saakay aroortii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dhanka kale dadka ku nool Magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in ay jiraan Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay Puntland ayaa ciidamo badan u dirtay degaankaasi Markii Somaliland ay dagaal ku qabsatay.