Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo goor dhow lagu soo dhaweeyay Magaalada Garawe....................
Posted by xassan on January 07 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo goor dhow lagu soo dhaweeyay Magaalada Garawe....................
Extended News
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhaw wuxuu gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynha iyo wafdigii lasocday ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garawe ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay, waxaana halkaasi lagu sii diyaariyay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha u diyaarsanaa.

Sidoo kale dad aad u fara badan oo xaafadaha Magaalada Garowe isaga kala yimid, ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ee maanta ka dagay Magaalada Garowe Ammaanka Garoowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamada Koofi Gaduuda Madaxtooyada Somaliya oo maalin ka hor halkaasi la geeyay iyo ciidanka Puntland.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu ka qayb gali doono munaasabad kooban oo xariga looga jaraayo dhismaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe oo dib u dhis lagu sameeyay Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in caawa uu ku hoydo Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.