Afar Askar oo Ku Dhimatay Dagaal Salka ku haaya gacan ku heynta isbaaro Degmada Warsheekh....................
Posted by salaad on January 09 2017
Afar Askar oo Ku Dhimatay Dagaal Salka ku haaya gacan ku heynta isbaaro Degmada Warsheekh....................


Extended News
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dagaallo culus oo gobolka shabeelaha dhexe ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka balse ah mooryaan shacabka dhaca.

Wararka ka imaanaya degmada Warshiikh ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaxmareen laba maleeshiyo oo kuwada sugan gudaha iyo hareeraha degmadaasi Dagaalka ayaa ka dhashay is qabqabsi ku aaddan gacan ku heynta goob isbaaro ah oo gaadiidka dadweynaha looga qaado lacago baad ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Afar katirsan Meydadka ciidamadii dagaallamay lagu arkay duleedka degmada Warsheekh, dhaawacyada 10 askari ayaa loola cararay isbitaalka Keysaneey ee duleedka magaalada Muqdisho.