Wariye Lagu Xiray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan............................
Posted by salaad on January 09 2017
Wariye Lagu Xiray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan............................

Extended News
Waxaa maanta Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan lagu xiray Wariye ka howlgalayay Idaacad Maxalli ah Wariyahan la xiray oo lagu Magacaabo Maxamed Ibraahim Siyaad ayaa ka tirsan Idaacad lagu Magacaabo Goobjoog.

Cabdirisaaq Al Cadaala oo ah Agaasimaha Idaacadda Maxalliga ah ee Goobjoog qeybtooda Gobolka Hiiraan oo Shabelle wax ka weydiisay xarigiisa ayaa sheegay in Amar ka soo baxay Nabad Sugida lagu xiray Wariyahaasi Hadaba Maamulka Idaacadda uu ka tirsanaa Wariyaha ayaa sheegay in baaris kadib ay Rajo ka qabaan in la soo daayo Saxafigaasi.