War Culus:--Sarkaal Ka tirsanaa Maamulka Galmudug oo Koonfurta Gaalkacyo lagu Dilay.............................
Posted by salaad on January 07 2017
War Culus:--Sarkaal Ka tirsanaa Maamulka Galmudug oo Koonfurta Gaalkacyo lagu Dilay.............................

Extended News
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in weerar hubeysan lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka Mudug.

Maanta duhurkii ayay rag hubeysan Koonfurta Gaalkacyo ku toogteen sarkaal katirsanaa ciidanka Canshuur Aruurinta maamulka Galmudug.

Maamulka Koonfurta Gaalkacyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in la dilay Col. Max’med Gureey oo kamid ahaa saraakiisha ugu caansan qeybta lacagta maamulka uu madaxda ka yahay Cabdi Kariim Guuleed.

Lama oga in dilka sarkaalkan uu xiriir laleeyahay dagaal beleedyadii bilihii lasoo dhaafay gaalkacyo ku dhaxmarayay maamullada Galmudug iyo Puntland.