War dag dag ah:---Qarax xoogan oo Goor Dhaw Ka dhacay Magalada Muqdisho..........................
Posted by salaad on January 07 2017
War dag dag ah:---Qarax xoogan oo Goor Dhaw Ka dhacay Magalada Muqdisho..........................
Extended News
Qaraxyo xooggan ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah waxay waxay ka dhaceen maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada MuqdishoMaqaayada ayaa waxaa la sheegay iney fariistaan askar ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka ay qaraxyadan oo labo ahaa ay u dhaceen, qaarkood waxay sheegayaan in loo adeegsaday miinooyin lagu aasay afaafka hore ee Maqaayada, halka warar kalena ay sheegayaan iney ka dhasheen bambooyinka gacanta laga tuuro Goob joogayaal ayaa sheegaya iney arkeen qiyaastii toban ruux oo qaraxyadan dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen kuwaasoo isugu jiray askar iyo dad shacab ah.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa daqiiqado ka dib goobtaas gaaray, iyagoo hakad geliyey socodka dadka iyo gaadiidka ee fagaaraha tarabuunka, waxaana la maqlayey rasaas ay hawada u ridayaan, gaadiidka ambalaaska ayaana halkaas ka daad gureynaya dadka waxyeeladu soo gaartay.

Masuuliyiinta maamulka degmada Hodan iyo saraakiisha amaanka ayaa sidoo kale halkaas gaaray, iyagoo qiimeynaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.