|
Wararka Hiiraan
Taariikhdu markay aheyd 16/01/2010 ayaa shir ka dhacay magaalada Amsterdam ee dalka Holland, shirkaasi oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyada Beesha Xawaadle ee dalka Holland.
Waxaana looga wada hadlay xaalada uu gobolka Hiiraan ku sugan yahay xiligan aaanu kujirna iyo qaabka ugu haboon ee jaaliyada uga qeyb qaadan karto.
Sidaa darteed waxaanu diirada saarnay Sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay dagaaladii Kasocday Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Waxaa goobtaas lagu go-aansaday in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo, dadkii ka barakacay guryahooda oo daadsan daafaha Magaalada Baladweyn.
Waxaana Hambalyo iyo bogaadin aanu u direenaa, Dad Gartay in ay iska Qaadan Duliga Kusoo duulay, gaar ahaan Ciidamada degaanka ee Bahweynta Xawaadle ee sida geesinimada leh u difaacaya dhulkooda.
Jaaliyada waxay u balan qaadeen walaalahooda inay la garab taagan yihiin Hiil iyo hooba, beeshuna aysan marnaba, sinaba, ayna u aqblidoonin Dulmi iyo Xadgudub loo geeysto Shacabka Reer Hiiraan.




Abdifatah shirwa
camaloow.com
Dayactirka Waddooyinka dhexmara Beledweyne oo si habsami ah u socda..........
Kaddib markii ay soo if baxeen dhibaatooyin keenay shilalal oo ay sababeen burbur baahsan oo ku dhacay waddooyinka waaweyn ee dhexmara gudaha magaalada beledweyne ayaa wax lagama maarmaan noqotay in dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyo dhammaan waddooyinka dhexmara magaalada beledweyne iyo waddooyinka soo galaba.
Howshan ayaa waxa horkacayay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo kaashanaya Duubabka dhaqanka, Aqoonyahannada, Gaadiidleyda iyo Ganacsadata Gobolka hiiraan.
Mashruucan ayaa maraya meel aad u wanaagsan kaddib markii si hagar la’aan ah ay dadweynuhu uga qeybgaleen si hagar la’aan oo hiil iyo hooba leh. Hantida ama xoolaha lagu qabanayo howshan ayaa waxa ay ka timid dadweynaha reer Hiiraan gaar ahaan reer Beledweyne iyo nawaaxigiisa.
Eng. Cali Xaaji Shirwac oo ah madaxa dhismaha waddooyinkan oo aan la sheekeysay ayaa sheegay in uu hadda ku dhiiran karo dayactirka waddada dheer kalsooni weyna uu ka hayso dadka reer Hiiraan ee qurba joogga ah iyo kuwa ku sugan guadaha waddanakaba, kuwaasoo la taagan taageero hiil iyo hooba leh
Haddaba waxa la filayaa maalinta buirito ah inay u baqoolaan tuulooyinka dhulbeereedka ah eek u dherersan wabiga shabeelle iyo dulka sare ee daaqsinta ahba guddi dhaqale ururin ah oo halkaas kaga soo ururin doonaan dadweyne farabadan oo diyaar la ah mashruucan inay si dhab ah utaageeraan kula bixiyaan xoogooda iyo xoolahoodaba, waana safarkii labaad ee ay guddigani oo ka socda Ugaaska u baxayaan howl tan la mid ah.
Aden Hassan Bashir Camaloow Online
Beled weyne
Magaala Beled weyne oo aad iyo u deggan dagaaladii kaddib.....
Magaalda ayaa si aad iyo aad ah soo camirantay kaddib markii ay dad farabadan oo ka qaxay dagaaladaas ay si tartiib tartiib ah ugu soo laabanayeen labadii bilood ee la soo dhaafay. Iskuuladii, Dugsiyadii Quraanka lagu baranayay, Maaajidyadii iyo dhammaan suuqyadii gacanida ayaa si ballaaran u soo camirmay hadda.
Dhnaka kale, waxa jira ganacsi aad u ballaaran oo ka socda suuqyada waa weyn ee magaalada, gaar ahaan xoolaha nool iyo khudradda oo aroor walba loo dhoofiyo W/Bari iyo W/Galbeed ee Soomaalia dad weyne aad u farabadanna ay ka faa'idyestaan dhaqdhaqaaqaasi ganacsi oo ay si toos ah iyo dadbanba ay uga faa'ideystaan ayagoo inta badan maalaya xooggooda.
Arrimaha siyaasadda dadka waxa ka muuqata niyad wanaag aad u sarreysa iyo ka soo kabsasho diiftii dagaaladii dhowaa, waxad arkaysaa ayagoo isugu hambalyeynayo guulaha ugu muuqda inay ka gaareen dagaaladii iyo waliba siyaasadda. Ma jiraan xilliga hadda la joogo kooxo siyaasadda isaga soo horjeedo oo laga baqayo amaba ay dhici karto inay ku dagaalamaan magaalada iyo shacabka dhexdiisa.
Dhanka kale waxa jira walaac ay dadka qaarkood ka muujinayaan ciidamo dhowaan mar kale soo degay Kala bayrka, gawaarida safarka ahna ka qaata lacago baad ah, taasoo ilaa iyo hadda aanan la fahamanayn waxa ay tahay ujeedada dhabta ah ay ciidankani halkan u yimadeen. Ciidankan ayaa sida la sheegay waxa hoggaaminaya qaar ka mid ah maamulkii hore ee gobolka Hiiraan oo ay Midowga Maxaakiimtu ka rideen xukunka, kadibna ay ciidamaba Ethiopia sii raaceen ayagoo maciin bidaya.
Ma jiraan wax wadahadallo ah oo la sheegay inay u dhexaayaan amaba ay dhexmareen ciidamadan iyo MMI ee Hiiraan, waxana dhici karta inay iskood isaga tagaan oo ay haddana markle soo laabtaan ayagoo hadba marmarsiiyo sheeganaya. Warar ku dhow dhow saraakiisha ciidamadan ayaa sheegaya inay halkaa u joogaan inay iska ilaaliyaan Al-Shabaab oo ay suurto galtahay ayay yiraahdeen inay goor walba iyo jaha walba ka iman karaan, balse aysan jirin cid ay duulaan ku yirhiin "Waa sida ay hadalka u dhigayane" waaba haddiiba ay jiraan cid ayaga duullaan ku ah.
Aden Hassan Bashir Camaloow Online




Waalaalaha muslinkaa Ah waxaan ka codsaneynaa in aad wixii aad Labixi kartaan oo Sadaqo ah in aad ku Sadaqeeysataan agoonta Ugaas khaliif Ugaas Rooble uguna hagaajisaan Ciwaanada hoos ku qoran caawintunaWaa mid adiga ku anfaceeyso Maalinta Qiyaamo. Hal doolar agoonta waxbuu u tarayaa adigana ajir laba laaban ayuu kuu noqon doonaa ee walalayaal gacan ka geesta mahadsanidiin Haddii aad doonaysaan in aad wax u dirtaana ugu hagaajiya adreesyadan hoos ku Qoran ama Boga Internetka WWW.AGOONTA.NET
Walaal haddii aad dooneysid inaad Agoontan lacag u dirto ama aad u xawisho waxaad ugu hagaajin kartaa sida hoos ku qoran kii kuu fudud:
(1) B/weyn Inaad toos iyaga ugu dirto adigoo raacaya sida hoos ku qoran Qaataha: Agoonta Xarunta Ugaas khaliif ee B/weyne C/o: Aadan Shariif Aamin Telefoon: 5510 392 B/weyn. (2)U.A.E ama inaad ugu dirto koontada ay Xawaaladda Amaana Dubai ku leyihiin oo ah sidan: Qaataha: Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne C/o: Amaana Dubai Koonto nr. 2002-0017 (DUBAI).
(3)Norway ugu soo hagaaji: Koonto nr. 0539 26 31137 (Postbanken) Contuct Person: Xasan Cismaan Xuuriye
Telefoon: +(47) 2217 0917 +(47) 2211 3418 Mobile: +(47) 4803 7525
(4)U.K. Kala xiriir Sh. Calikheyr Sh. Cumar Guure Mobile:+(44) 790 400 2900
(5)Denmark:Kala xiriir C/salaan Isaaq Axmed Telefoon: +(45) 3834 2231
(6) Sweden:Kala xiriirMax'uud Sh. Khaliif Dhoore Telefoon: +(46) 87609639
(7) Holland: Kala xiriir Axmed Sheekh Muumin Telefoon: +(31) 736134254 | |