MR CAAMIR MUUSA OO AH XOGHAYAHA GUUD EE JAAMACADA CARABTA AYAA KU CELIYAY IN AY SII LABA JIBAARAYAAN TAAGEERADA DOWLADAHA CARABTA SIINAYAAN DOWLADA SOMALIA MAR UU KA HADLAYEY QAAHIRA.
Xoghayaha guud ee jaamacada Carabta Caamir Muse ayaa balan ku qaaday in dalalka carabta ay sii laba jibaarayaan taageerada ay siiyaan dowlada Somaliya .
MADAXWEYNAHA SOMALIA SHEEKH SHARIIF AYAA MARKALE KU CELIYEY IN DOWALADIISU DIYAAR U TAHAY KU DHAQANKA SHAREECADA ISLAAMKA BALSE LOO BAAHAN YAHAY IN SHACABKA LA WACYI GALIYO.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale ku celiyay in dowladda KMG Soomaaliya ay ka go’antahay hirgalinta kudhaqanka shareecada Islaamka.
KALFADHIGII BAARLAMAANKA AYAA MAANTA DIB U DHACAY AYADO OO AANAN LA GARANEYN SABABTA KA DAMBEYSAY IN UU DIB U DHACO FADHIGAAS.
Fadhigii Xildhibaanada Barlamanka ee lagu waday in maanta uu ka dhaco xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho xili mudanayaasha Barlamanka maanta laga dhowrayay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda kMG.
SHEEHK AADAN CABDULLE CAWAALE HOGAAMIYE SARE KANA MID AH CULUMAA,UDIINKA AHLUSUNNA AYAA KA DIGAY IN WADOOYIN HIIRAAN IYO GALGADUUD ISKU XERAY LA ISTICMAALO TAASOO MAANTA AMAR LAGU XERAY.
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay xireen isticmaalka wadooyinka isku xira demada Buulaburde iyo Ceelbuur gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
XIISADO KA TAAGAN B/WEYN IYO DHAQ DHAQAAYO CIIDAN OO JIRA KADIB MARKII SHABAAB BANEEYEN XAAFADO DHOWR AH OO KU YAALA DHANKA BARI MAGAALADA IYO CIIDAMADA DEEGAANKA OO CULAYS SOO SAARAY XAAFADAHAAS.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada B/Weyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay ilaa saakay ay magaalada ka jiraan dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garow dagaal.
AKRISTAYAASHA SHARAFTA BADAN NALA DAAWADA ORAD YAHANKA SOMALIYED CABDI BILE CABDI.
Marbaan aduunka caan ka hayn wax badana nalagu xushmeen jiray marka la fiiriyo sida ay somalia ahaan jiret hadii ay ahaan laheed orad ama bootin koleyga lama qiyaasi karo hada maalintaasi muhiimda ay laheed.
GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY AYAA KA SHIRAY ARIMAHA SOMALIA DHALIIL LOO JEEDIYAY KADIB WAXEYNA AU WAYDIIYEEN QABKA LOO DAR DAR GELIN KARO ARIMAHA AMAANKA SOMALIA.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ku yeshay magaalada New York ee dalka Mareykanka kaAs oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.
MADWEYNE SHARIIF SHEEKH AXMED AYAA MARLABAAD UGU BAAQAY IN AY ANSIXIYAAN RA,IISUL WASAARAHA IYO XUKUUMADA UUSOO DHISI DOONO SI SHACABKA LOOGU SHAQEEYO ADEEGYADA AY U BAAHAN YIHIIN LOO HELO.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Saakay Ugu Baaqay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya in ay Dar-dar Geliyaan Kalsooni Siinta iyo Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo Golaha Wasiirada uu Soo Dhisi Doono.
AL SHABAAB OO DAGAAL CULUS KULA WAREEGAY DEGMADA BALAD XAAWO XALAY MAQRIBKII KADIB WEERAR AY KU QAADEEN WALOW CIIDAMADII LAGA SAAREY WELI JOOGAAN DAAFAHA DEGMADA.
Dagaalo xoogan ayaa xalay maqribkii waxaa ay ku dhexmareen degmada Balad Xaawo ciidamo ka tirsan xarakada Al Shabaab iyo ciidamada dowladda KMG iyadoo gacan ku heynta degmadaasi ay la wareegeen xarakada Al Shabaab.