July 22 2014 18:51:15
Kitaabka Usuulu Thalaatha
Tafsiirka Sh, M Maclim

Qisasul-al-anbiyaa
RamAdaan Kriim



dhacdooyinka
Hidaha Iyo Dhaqanka
Ciyaarta Walasaqada
VOA
New Page 1

Navigation
· Home
· Articles
· Discussion Forum
· Web Links
· Search
· Muxaadarooyin
· The Kroax
Somali Links
Camaloow.com
kulanka.com
Latest Articles
· Muxaadarooyim Qiso u...
· Kitabaka Ajuumifga
· Hidaha iyo Dhaqanka ...
· Muxaadarooyin Kala d...
· Kitaabka Usuulu Thal...
Faalloo
Xarakada Al-shabaab oo Iska Fogeeysay Dilkii Odayaasha ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ee lagu dilay Buur-hakaba.........
News  wararka New Page 1
Camaloow Online:---
Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay inay ka dambeysay dil wadareed shalay loogu geystay duleedka magaalada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, kadib markii gaari ay saarnaayeen ilaa sideed oday dhaqameed oo ka yimid Baydhabo si arxan daro ah loo laayay.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Xarakada aanay ka mas’uul aheyn weerarkaas, isla markaana dhinac isaga riixeen eedeyn ka soo baxday saraakiisha dowladda ee Gobolka Baay oo ahaa in Al-Shabaab ka dambeeyee dilkaas.

“Mujaahidiinta wax lug ah kuma lahan dhacdadii Buur-Hakaba ee lagu dilay sideeda qof”ayuu yiri Sarkaa ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay baraha internet-ka ee taageera.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay in dilkaas ay ka dambeeyaan kooxaha la shaqeeyay ciidamada shisheeye, iyadoo cadeysay in haba yarataee wax raad ah ay ku leedahay weerarkaas shalay gelinkii dambe ka dhacay meel duleedka ka ah Buur-Hakaba.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay Mahad C/kariin ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyeen odayaashii lagu laayay duleedka Buur-Hakaba.

Odayaasha dhaqanka ee lagu laayay duleedka Buur-hakaba ayaa ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay ka mid ahaayeen ergadii u fadhiyay shirkii maamulka lixda gobol ee koofur galbeed, kuwaasoo Madaxweyne u doortay Madoobe Nuunow
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Ugaas Cabdiraxman
Dhacdooyinks Yaabka Leh
Daawo Yaabka Aduunka

Itobiyaan beer kafaya Baydhabo








Youtub
New Page 1

Wafuuda Turkiga Baledweyn
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Shaadibiya
Render time: 0.01 seconds 2,468,149 unique visits

Camaloow Online Copyright-2002-2014