Wararka naga soo gaaraya Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya dagaalo dad badan oo rayid ah ku dhinteen inuu ka socdo caasimada Magaalada, iyadoona dagaalada ay u muuqdaan kuwo sii xoogaysanaya.
Wariyayaal ku sugan aagaga dagaalka ayaa sheegaya dagaaladan xoogooda in ay ka socdaan wadada isku xirta Dabka iyo Bakaaraha, Boondheere, dhanka Taleex, dagaaladaasina waxaa dhinac socda madaafiic degmooyinka Magaalada Muqdisho ku hoobanayaan.
Tirada dhabta ah dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhawacmay dagaalada saaka ka socda caasimada Magaalada Muqdisho lama xaqiijin karo, laakiin saraakiisha Caafimaadka Magaalad waxay shegeen saaka in la soo gaarsiiyey dhawacyo fara badan oo rayid ah kuwaas oo madaafiic iyo rasaas ugu tagtay xaafadahooda iyo
wadooyinka magaalada qaarkiis.