Ciidanka Amisom ayaa helaya askar dheeraad ah oo soo gaaraya xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Warar lagu kalsoonaan karo oo Ciidanka Amisom saldhigyadooda laga helayo ayaa sheegaya in Garoonka Muqdisho ay saacadihii la soo dhaafay ka soo dageen Ciidan xoog badan oo dabaabaadka dagaalka ay la socdeen.
Dad dagan hareeraha garoonka ayaa arkayay diyaarado dagaal oo ay ka soo daganayaan gaadiidka dagaalka sida Taangiyo midab Cadaan ah leh oo ay Ciidanka Amisom leeyiihiin iyo askar fara badan.
Ciidamadaas oo gaarayay Boqolaal askari ayaa la sheegay in loogu talo galay in ay xoojiyaan kuwa AMISOM ee hadda ku sugan magaalada Muqdisho xilli la baqanayo bartamaha bisha Ramadaan in dagaal xoog badan uu qarxo.
Ciidanka hadda soo dagay ayaa xoogooda waxa ay yihiin kuwa Ugandha ka socday waxaana la sheegay in ay dageen xaafado ka mida Magaalada Muqdisho sida Deegaanka Xoosh oo haatan ay saldhig ku samaysteen.
Ma jiro wax war ah oo Ugandha laga haayo marka laga reebo maalma ka hor oo saraakiil u hadlay Ugandha ay shaaca ka qaadeen in ay doonayaan Ciidan ka caawiya difaaca weerarada ay kala kulmayaan Islaamiyiinta Mucaaradka ah