2 ka mid ah haweenka barakayaasha ee ku dhaqan Duleedka Degmada Caabud Waaq oo shalay Kufsi iyo dil loo geystay
2 ka mid ah haweenka barakayaasha ee ku dhaqan duleedka degmada Caabud Waaq oo shalay Kufsi iyo dil loo geystay ayaa dhaliyay Xiisad Colaadeed.
Labadan haween ayaa waxaa lagu kala dilay labo goob oo ay degan yihiin dad barakacyaal ah taasi oo ku taala duleedka Deegaanbka Guri Ceel Ee Gobolkaasi Galgaduud.
Beelaha ay ka dhasheen Haweenkaasi ayaa raad raac ku haya raga dilka iyo Kufsiga gaystay waxaana la sheegay in ay taasi ku qabsadeen Beel deegaanka ah oo aan la ogayn in ay ka soo jeedaan raga falka xun sameeyay Bisha Ramadaan.
Taliyaha ciidamada degmada Caabud Waaq ee maamulka Ahlu Sunna Sheekh Bule Bashiir ayaa wuxuu sheegay falkaasi foosha xun in ay ka dambeeyaan dad burcad ah.
Taliyaha wuxuu sheegay in ay bilaabayaan howlgalo hada ka dib lagu sugayo ammaanka xeryaha dadka barakayaasha ee daafaha magaalada Caabud Waaq haatana ay ku daba jiraan raggii denbiga galay.
Dilka iyo Kufsiga dhacay ayaa lo qabqabtay dhalinyaro dagan duleedka magaalada oo looga shakiyay falkaasi wallow weli aan la soo bandhigin cadaymaha raga haatan la haayo.
Barakayaasha ku dhaqan goobo ay ka mid yihiin degmnada Caabud Waaq ayaa waqtiyadii u dambeeyay ka cabanayay xaalado nolol xumo iyo burcad hubeysan oo qatar ku hayay