Dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoog leh ayaa laga dareemayaa Saaka waddooyinka soo gala Is Goyska Kiilo Mitir Afar ee Magaalada Muqdisho
Dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoog leh ayaa laga dareemayaa Saaka waddooyinka soo gala Is Goyska Kiilo Mitir Afar ee Magaalada Muqdisho iyadoo isla markaana la arkayo Gaadiidka Dagaalka iyo Ciidamo fara badan oo aad u hubaysan halkaasna ku sugan
Ciidamadan ayaa waxa ay joojinayaan Gaadiidka kala duwan ee Waddooyinka soo gala Km 4 iyadoona lagu amrayo in ay ka leexdaan Wadadaas halka Dadka Lugaynaya ay si caadi ah Wadooyinkaas isaga gudbayaan.
Is Goysyada Zope iyo Banaadir ayaa iyaguna lagu celinayaa Gaadiidka ka yimaada dhinaca Af Gooye iyo Degmada madiina iyadoo rakaabka gaadiidkaas la socdana lagu amrayo in ay halkaa kaga haraan gaadiidka.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sababtu ay tahay iyadoo la filayo in saacadaha soo socda uu ka soo dego Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho wafdigii ka socday Xukuumadda Turkiga.
Ra’isulwasaare ku xigeynka turkiga mr Bekir Bozdag iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ka soo dago garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada muqdisho isagoo kulamo laqaadan doona masuuliyiinta u sareysa dawlada soomaaliya .
Wixii warar ah eek u soo kordha booqashada la filaayo in uu manta muqdisho ku yimaado mr Bekir Bozdag ayaan ahayn m Tii ugu horeysey ee uu Soomaaliya ku yimaado iyadoo mudada uu joogano dalkana la filayo inuu mashaariic dhowrah uu dhagax dhigo. Xafiiska war qabadka . xafiiska Kismaayo 24 ee Muqdisha.