Hiiraan: Meydka Nin qoorta laga gooyay ayaa saakay Aroortii lagu Arkay Deegaan Hoostaga Gobolka Hiiraan oo ......
Qaar kamid ah dadka ku sugan Buq-aqable oo ka gaabsaday in Magacooda iyo codkoodaba la baahiyo ayaa waxa ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u Xaqiijiyeen in Meydka Nin qoorta laga jaray ay saakay lagu arkay deegaankaasi.
Ninka qoorta laga jaray ayaa wuxuu ka shaqeeyni jiray Xarumaha Caafimaad ee kuyaalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Sidookale Waxa aan si rasmi loo soo sheegin Magaciisa oo sadaxan Taasoo keeni laheed in la aqoonsado
Waxaana lagu tirinayaa in ay ka danbeyn karaan kooxda Xarakada Al Shabaab oo iyaga lagu yiqiinay in ay qoorta dadka ka jaraan.