Abasama iyo Side D oo Sinaba Heshiis ugu Eheeyn Kismaayo Iyo Hawiye oo Mijixaabin Raba Dhamaan, akhiro hadalkii kasoo yeeray Adan madoobe ........
Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ka furmi doona kulan balaaran oo Hadlaya maalmul u sameyn Gobalada Jubooyinka ayaa waxaa arintaasi markii ugu horeysay ka hadley Gudoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan maxamed Nuur.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheeh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu sheegay iney aad u wanaagsan tahay in maamul loo sameeyo Gobalada Jubooyinka,laakin uu sheegay in haatan maamulka loo sameyno Gobalkaasi aysan wanaagsaneyn in lagu deg deg sida uu warka u dhigey.
Waxaan leeyahay ma ahan wax lagu deg dego maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo Gobalada Jubooyinka ee Koonfurta Soomaaliya,waxaa dega Gobaladaasi dad badan oo Soomaaliya waxaa la rabaa in laga qeyb galo talooyinka maamulka loogu sameynayo sidaasi waxaa yiri Gudoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Aadan madoobe.
Gudoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur madoobe ayaa dhanka kale waxaa uu faafahin ka bixiyey booqasho dhowaan isaga iyo xildhibaano kale ay kusoo gaareen Magaalada nairobi ee dalka kenya,isagoona tilmaamay in Hayada UNka ay kala hadleen in lagu deg degin Maamulka Jubooyinka.