War Naxdin Leh Todobo Qofood Oo Salaadii Subax Ka soobaxay Masjid oo lagu dilay Gudaha Masjidka iyo dibadiisa
Wararka Naga soogaaraya Liboye Kenya ayaa sheegaya in Toddoba qof ayaa ku dhintay rasaas uu saaka salaadii subax ku furay nin dablay ah deegaan dhowr Kiloo Mitir u jira Tuulada Libooya ee deegaanka Somalida Kenya.
Dadkan oo ka soo baxay salaadii subax Masjid ku yaala Malele oo ka tirsan Libooyo oo qiyaas ahaan 25 KM u jirta xerada Dhadhaab ee ay ku jiraan qoxootiga Somaliya ka qaxay.
Dadka dhintay oo tiradoodu dhamayd shan rag ah iyo laba dumar ah, ayaa waxa weerar ku qaaday siddeed qof oo dablay ah Sida ay camaloow Online lagu soo gaarsiisay, waxaana dad goob-joogayaal ahi oo ciidamada booliska u sheegeen in labada haweenka ah lagu dilay masaajidka dibadiisa, halka shanta ragga ahna lagu toogtay gudaha Masaajidka oo ay ku sugnaayeen markii salaada Subax laga baxay.
Ciidamada booliska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay wadaan baadhitaano la xidhiidha cida ay ahaayeen dablayda dadkan laysa, si loo kala garto inay Argagixiso ahaayeen iyo inay ahaayeen qabiilooyinka Somalida ee khilaafku ka dhexeeyo.