Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamada dowlaladda fedraalka Somlaia iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ay la wareegeen deegaanno dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha.
Sidoo kale saraakiil uhadlay ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay howgalo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab ee ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.
Garoonka diyaaradaha ee Jowhar oo ay ciidamada isbahaysanaya kala wareegeen Al-shabaab ayaa wuxuu degmada Jowhar kaga beegan yahay dhinaca waqooyi qiyaastii 17-km, iyadoo sidoo kalena ay degmada Mahadaay u jirto Jowhar 30-km oo dhinaca waqooyi ah.