Xoghayaha Guud ee QM oo golaha amaanka ka codsaday in la qaado xayiraada hubka ee saaran Somalia.
Xoghayaha Guud ee QM oo golaha amaanka ka codsaday in la qaado xayiraada hubka ee saaran Somalia.
Xoghayaha guud ee QM Ban ki Moon ayaa markii ugu horeysay ka codsaday golaha amaanka in la qaado xayiraada hubka ee saaran Somalia mudada 20ka sano ka badan, waxana hadalkan uu ka jeediyey fadhi xubnaha golaha amaanku ku yeesheen xalay xaruntooda magaalada New York.
Ban ki Moon ayaa intaa ku daray in qaadida xayiraada hubka ee saaran Soomaaliyab ay wax badan ka tareyso xasilinta Soomaaliya iyo ciribtirka xoogaga Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
“Somalia waxay gashay marxalad cusub, waxa ka dhalatay dowlad rasmi ah oo waxqabadkeedu muuqdo, sidaas awgeed waxaan aaminsanahay in la gaaray xiligii ku haboonaa in la qaado xayiraada hubka ee saaran Somalia” ayuu intaa ku daray Xoghayaha guud ee QM Ban ki Moon.
Madaxda dowlada Somalia ayaa horey wax badan ugu celceliyey kana dalbaday golaha amaanka ee QM inuu qaado xayiraada hubka ee saaran Somalia si dib loogu dhiso ciidamada milateriga Somalia, awoodna ugu yeeshaan iney cirib tiraan Al-shabaab amaanka dalkana gacanta ugu dhigaan, iyadoo hadalka Banki kii Moon uu ku soo adayo xili dhowaan uu magaalada Addis ababa kulan kula qaatay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.
Lama oga go’aanka golaha amaanku ka qaadan doono soo jeedinta xogyahaha guud ee QM hase ahaatee golaha amaanka ayaa horey uga caga jiiday arintan, iyadoo wararku ay sheegayaan in xubnaha golaha amaanka ee wadamada reer galbeedku ugu horeeyaan ay ka cabsi qabaan in haddii la qaado xayiraada hubka Somalia lana hubeeyo ciidamada dowlada uu hubkaasi ugu dambeyn u gacan galo xoogaga Al-shabaab.