Dhowr ruux oo saacadihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay muqdisho iyo magaalada baydhaba.
Dhowr ruux oo saacadihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay muqdisho iyo magaalada baydhaba,Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyey siyaabo kala duwan ugu toogtay qeybo ka mid ah gobolada Bay iyo Banaadir illaa sadex ruux oo mid ka mid ah ay aheyd haweeney.
Dilkii ugu horeeyey ayaa ka dhacay shalay degaano u dhexeeya magaalada Baydhabo iyo degmada Berdaale ee gobolka Bay ka dib markii kooxo hubeysan oo la sheegay iney taabacsan yihiin Al-shabaab ay gaari kala degeen ka dibna gorwaceen nin magaciisa lagu sheegay Xasan Bilow lama garanayo sababta hase ahaatee ninkaas ayaa la sheegay inuu horey Al-shabaab uga tirsanaa.
Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa shalay galab degaanka Xamar Jadiid ku toogtay gudoomiyihii waaxda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley oo magaciisa lagu soo gaabiyey C/rashiid iyadoo kooxihii dilkaas geystayna ay ka baxsadeen.
Xalay ayaa sidoo kale waxaa suuq yaraha degmada Dharkeynley lagu toogtay haweeney lagu magacaabi jiray Xaawo Aadan ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday, ka dibna goobta ka baxsaday, lama oga illaa hadda sababta loo dilay hase ahaatee dadka degaanka ayaa ku waramaya in haweeneydaas ay la shaqeyn jirtay ciidamada dowlada.
Ma jiro illaa hadda war ku saabsan dilalkan oo ka soo baxay maamulada dowlada Somalia ee ka jira degaanada ay dilalkaas ka dhaceen, hase ahaatee dilalkan ayaa qeyb ka ah weeraro kooxo hubeysan ay ka geystaan had iyo jeer degaanada ay ka taliso dowlada Somalia.