Madaxda dowlada Somalia iyo Midowga Yurub oo wadahadalo rasmi ah ku yeelnaya magaalada Brussels.
Madaxda dowlada Somalia iyo Midowga Yurub oo wadahadalo rasmi ah ku yeelnaya magaalada Brussels, wafdigii uu hogaminayey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay ka dhoofay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa saaka si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Brussels ee dalka Belgium sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Waxaa garoonka dayuuradaha magaalada Brussels ku soo dhoweeyey wafdiga madaxweynaha masuuliyin ka tirsan dowlada Belgium iyo Midowga Yurub, safiirka dowlada Somalia u gadhiya Midowga Yurub iyo Talyaaniga danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) iyo qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyed ee halkaas ku dhaqan.
Raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa ujeedada socdaalka ay ku tageen magaalada Brussels ee dalka Belgium ku tilmaantay casuumaad ay ka heleen Midowga Yurub.
“Maalinta beri ah waxaan kulamo la yeelan doonaa madaxda Midowga Yurub ee fadhida magaalada Brussels ee dalka Belgium anagoo kala hadleyna arrimo badan oo ku saabsan sidii ay u xoojin lahaayeen taageerada Somalia maadaama ay ka dhalatay dowlada rasmi ah, aqoonsina ka heshay caalamka” ayey tiri Marwo Fowsiyo.
Sidoo kale, waxay sheegtay wasiiradu in magaalada Brussels ee dalka Belgium ay joogi doonaan labo maalmood ayna uga sii gudbi magaalada London ee dalka Britain iyo magaalada Qaahira ee dalka Masar oo ay sheegtay iney kga qeyb geli doonaan shir madaxeedka dalalka Islaamka oo maalmaha soo socda ka furmaya halkaas.
Wafdiga madaxweynaha ayaa socdaalkoodii ugu horeeyey oo sadex cisho qaatay ku tegay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay uga qeyb galeen shir madaxeedkii dalalka Midowga Afrika oo xalay halkaas lagu soo gebagebeeyey, kaasoo madaxweynaha Somalia uu ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay xaalada Somalia, isagoo sheegay in Somalia ay si buuxda ugu soo laabatay beesha caalamka ayna tahay dal muhiim ah.