FAAHFAAHIN: Howlgal qaatay in ka badan Sideed Saacadood laguna soo qabtay kun Ruux................
Ciidamada nabadsugida qaranka iyo booliska ayaa howl gal ay iska kaashadeen waxay saakay ka fuliyeen degmada wadajir, iyadoo howl galkan uu qeyb ka yahay howl galo maalmihii u dambeeyay ka socday qeybo ka mid ah Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada nabadsugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howl galkan uu qaatay ilaa sideed saacadood, isla markaana ay ilaa kun ruux ay ku soo qabteen.
“Howl galkan muddo dheer ayuu socday, wuxuu qaatay sideed saacadood, waxaa ku soo qabanay ilaa kun ruux, wixii aan dambi laheyn waa la sii daayay, kuwii kale ee tuhunka galay waa la reebay”ayuu yiri.
Sidoo kale Taliyaha ciidamada booliska gobolka banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in howl galka uu ujeedkiisa ahaa sidii amaanka ay u xaqiijin lahaayeen, isla markaana ay ka hortagi lahaayeen falalka amni daro.
Hey’adda Nabadsugida qaranka ayaa maalmihii u dambeeyay howl galo ballaaran ka sameynayay qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana dad fara badan oo lagu soo qabtay loo soo bandhigay saxaafada.