Mudane Xuseen Gaagaale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay HIIRAAN STATE
Mar uu la hadlayay Warbaahinta Muqdisho Mudane Xuseen Gaagaale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo gobolka Hiiraan ka soo jeeda ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in uu si diiran u soo dhaweeynayo Maamulka Cusub ee loo sameeyay gobolka Hiiraan.
Mudanahani waxa uu intaasi hadalkiisa raaciyay in Doowlada KMG Somalia ay tageereyso maamulkaasi ay filayaan in uu noqdo mid wax ka badala xaalada cakiran ee gobolka Hiiraan islamarkaana dadka reer Hiiraan ay kaga tashan doonaan.
Sikastaba, Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxa Sameeyay Jaaliyadaha reer Hiiraan ee ku dhaqan dalka dibadisa, Iyadoo lafilayo in ay qabtaa waxtar muhiimah Gobolka Hiiraan.
Mudannaha Katirsan Dowlada KMG ayaa si dhiiran u soo dhaweeyay uguna hambalyeeyey si wanaagsan oo Shacabka Reer Hiiraan ay u doorteen Maamulkooda.