Xoghayihii arrimaha dibada dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa laga soo saaray cusbitalkii ay ku jirtay ee ku yaalay magalada New York
Xoghayihii arrimaha dibada dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa laga soo saaray cusbitalkii ay ku jirtay ee ku yaalay magalada New York kadib markii ay xaaladeeda caafimaad soo hagaagtay.
Hillary Clinton ayaa lagu daweenayey Isbitaalka Presbyterian Hospital ee magalada New York kadib markii halkaasi looga daweeyay cudurka dhiig xinjirowga oo madaxeeda laga helay.
Sidookale Kooxdii dhaqaatiirteeda ahayd ayaa sheegay in guulo wanaagsan laga gaaray dawaynta Ms Clinton isla markaasina ay kalsooni buuxda ka muujiyeen in caafimaadkeedu uu aad u wanaagsan yahay sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen saraakiisha waaxda arimaha dibada ee wadankaasi.
Saraakiisha waaxda arimaha dibadda ayaa intaasi ku daray in Ms Clinton dawaynteeda ka dib ay aad ugu hanwayn tahay inay dib ugu laabato xafiiskeeda xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka oo 65 sano jir ah ayaa xili hore ka baxday cusbitaalka iyadoo ay wehliyaan saygeeda Pill Clinton iyo Gabadheeda Chelsia Clinton.
H, Clinton ayaa lagu wadaa inay xilka xoghayaha arimaha dibada wadanka Maraykanka ka dagto ka hor inta aanu madax wayne Obama si caadiya u bilaabin shaqada xafiiskiisa bishan gudaheeda.