Golaha wasiirada ayaa isku raacay in ay qabtaan boqolka maalmood ee nagu soo aadan 25 qodob oo aan hore loo qaban.
Xukuumadda Somaaliya ayaa sheegtay in muddada Boqolka maalin ah oo ay qabsatay lagu qabandoonto in ka badan 25 qodob oo aan hore loo qaban iyadoo qalabka warbaahinta shacabka loogu soo bandhigi doono.
Wasiirka Warfaafibta Boostada Isgaarsiinta iyo Dalxiiska mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo shalay kulan la qaatay shaqaalaha wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay isku raaceen 25 Qodob oo aan hore loo gaarin, kuwaas oo aas’aas u noqondoona howlaha Horyaala xukuumadda.
Sidoo kale Mudane C/llaahi Ciilmooge Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Boostada Iyo Isgaarsiinta ayaa tilmaamay in wasaarada warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ay qodobadaasi kaga soo aadeyso Shan ilaa Lix qodob, isagoo xusay in ay wasaaraddu uga soo dhalaali doonto si hufan.
Mudane Ciilmooge ayaa hoosta ka xariiqay in howlaha ay qabanayaan Wasaaradaha dowlada si toos ah looga baahindoono qalabka warbaahinta laguna tartansiindoono wasaaradaha.
‘’Waxaan qabsanay Boqol maalmood kutalagalkuna waxaa weeye inaan keeno 25 Qodob qiyaastii oo aan hore loo qaban oo wasaarad kasta xil ay qaadato Wasaarada warfaafintina ay soo bandhigto waxqabadkaas oo toos looga soo Gudbiyo Telefishinka, anagu waxaan rabnaa inaan kaalinta koobaad kaga jirno waana hubaa inaan kaga jirno markaas ugu yaraan 5 ama 6 waan ka qaadaneyna 25-ka qodob’’ ayuu yiri wasiirka warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Mudane Ciilmooge.
Hadalkan ayuu wasiirku ka jeediyay kulan uu la qaatay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda oo looga hadlayay sidii sare loogu sii qaadi lahaa howlaha ay Wasaaradu u heyso bulshada