Nabadoon caana ah oo xalay kismaayo lagu dilay iyadoona dilka fuliyeen rag bustoolado ku hybaysanaa.
Mid kamid ah nabadoonada magaalada Kismaayo ayaa xalay lagu diley gudaha magaalada kismaayo kadib markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay weerareen nabadoonka oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn gurigiisa.
Dadkii ka dambeeyay dilka nabadoonka ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay iyadoo hore dilal qorsheysan lagu qaarijiyay qaar kamid ah nabadoonada magaalada Kismaayo.
Ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo oo gaaray halka uu ka dhacay dilka nabadoonka ayaa la sheegay in ay ku qabqabteen qaar kamid ah dhalinayaro deegaanka uu dilka ka dhacay.
Sidoo kale xarun ay degenaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada ururka Raaskaamboni ayaa bam lagu weeraray xalay iyadoo ay ciidamadii ilaalada ka ahayd xaruntaana ay rasaas ugaga jawaabeen weerarkii bambaano ee lagu soo qaaday,
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa haatan u muuqata in sanadkan cusub ay lugaha la gashay iyadoo weli dilalka qorsheysan iyo weerarada habeenkii lagu qaado ciidamada dowlada ay sii socdaan.