Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tegey dalka Suudaan isagoo halkaa ugaga qeybgalaya sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegatay xornimada dalka Suudaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa kaga qeybgalayaa munaasabadan oo ka dhacaysa magaalada Damaaziin ee gobolka Blue Nile.
Munaasabadan ayaa la sheegay in sidoo kale lagu furayo mashruuc biyo xireen ah oo ay dowlada Suudaan ka hirgelisey gobolka Blue Nile.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu wadahadalo la yeesho madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir iyagoo ka wadahadli doona xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan.
Dalka Suudaan ayaa waxaa ku sugan boqolaal dhalinyaro Soomaali ah oo wax ka barta jaamacadaha ku yaal dalkaasi.
Waxayna booqashadan uu ku tegey madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay tii ugu horeysey ee uu ku tago dalka Suudaan tan iyo markii loo doortay madaxtinimada dalka Soomaaliya.