Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in horaanta sanadka cusub ee berri bilaaban doono uu maamulku hirgelin doono qorsheyaal lagula xisaabtamayo gudoomiyeyaasha degmooyinka.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in horaanta sanadka cusub ee berri bilaaban doono uu maamulku hirgelin doono qorsheyaal lagula xisaabtamayo gudoomiyeyaasha degmooyinka, ayadoo Qorshahaasina looga gol leeyahay dib usoo celinta bilicda Caasimadda.
Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa sheegay in sanadkan cusub uu maamulku qorsheeynayo Hirgelinta mashaaric badan oo horumarineed, isagoo intaa ku daray in wax laga qabandoonto bilicda iyo nadaafada magaalada Muqdisho.
C/kaafi ayaa tilmaamay in maamulku la xisaabtami doono Guddoomiyayaasha degmooyinka, iyadoo la hirgelindoono haama loogu talagalay in lagu shubo qashinka oo la dhigayo suuqyada ganacsiga, Maqaayadaha iyo dhamaan goobaha ay bulshadu isugu timaado.
‘’Haaman lagu shubo qashinka ayaan dhigidoonaa meel kasta, ciddii qashinka ku shubi weysana waala ganaaxidoonaa, sidoo kale waxaan diyaarinay godad waaweyn oo qashinka lagu gubo kuwaas oo ku yaala Jasiira iyo Ceel cadde’’ ayuu yiri C/kaafi.
Arintan ayaa qeyb ka ah dadaalka uu maamulka G/Banaadir ugu jiro sare u qaadida bilicda iyo nadaafada Muqdisho.