Madaxweynaha Somaliya Muxuu Ka yiri Al-shabaab? Ma dooneeyni in ay kamid Noqdaan...............
Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dowladiisu ay wiiqday Awoodii Al Shabaab islamarkaana ay wadaan in maamulkooda ay ku baariyaan meelo badan oo dalka ka mid ah.
Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Waxgarad ay u direen goobaha ay Al Shabaab ay maamulaan si dhalinyarada u dagaalamaya looga dhaadhiciyo in ay ku soo biraan dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale hadlka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dowladda ay isku fidineyso meelo badan oo dalka ka mid ah islamarkaana ay ka qabsadeen Al Shabaab deegaano iyo degmooyin aad u tirabadan