Ciidamada Al-shabaab oo Dib u Qabsaday Magaalo Horay looga Saaray, Kadib Markii ay iskaga baxeen Ciidamadii Huganta ahaa ee ........
Wararka iminka naga soo gaaraya Magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeelada hoose ayaa la sheegayaa in halkaas ay isaga baxeen ciidamadii dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Sidookale Markii ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom isaga baxeen magaalada ayaa waxaa gudaha usoo galay Kooxdii Al-Shabaab ee markii hore magaalada lagala wareegay
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Shabaab ay kusuganyihiin gudaha magaalada iyagoo ka sameeyay howlgallo la sheegay in ay dad gaar ah ku raadsanayeen.