Taliska Milateriga Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ay ku wareejinayaan magaalada Jowhar.
Taliska Milateriga Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ay ku wareejinayaan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Dhega-badan ayaa sheegay in Ciidamada milateriga ay ka baxsan yihiin magaalada, isla markaana ay soo geli doonaan Ciidamo boolis iyo nabadsugid.
"Magaalada waa ka baxsanahay, waxaa deganahay koonayaasheeda, waxaa soo geli doona boolis iyo nabadsugid oo ammaanka sugi doona, kuwa qaraxyada wada ka hortagaya"ayuu yiri Jen. Dhega-badan.
Jen. Dhega-badan ayaa sheegay in qorshahooda uu ku saleysan yahay in meel walba oo ka mid ah dalka ay gaareen, isagoo tilmaamay in ujeedkooda kaliya aanu aheyd Jowhar.
"Qorshaha-yaga wuxuu ku saleysan yahay inaan meel walba tagno, jowhar kali ma aanay beegsan doonin, kooxaha jid iyo jaha-diid tuulo xataa kuma sugnaan doonaan"ayuu yiri Jen. Dhega-badan.
Sidoo akle waxaa uu sheegay inay furi doonaan wadada laamiga ee isku xira Jowhar, Beledweyn iyo Buulo Burte ay furi doonaan, isagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada.
Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay si nabdoon kula wareegay magaalada Jowhar oo qiyaastii Caasimada Soomaaliya u jirta 90-KM.