Xildhibaanada J,S, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeer hoosaadka baarlamaanaku uu ku shaqaynaayo afarta sano ee soo socotá.
Xildhibaanada baarlamanka Somalia oo kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeer hoosaadka uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota.
Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 188 xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayey Maxamed Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamanka Somalia.
Xildhibaanada ayaa mudooyinkanba qodob qodob uga doodayey xeer hoosaadka oo ka kooban illaa 11 qodob, waxaana xildhibaanadu ay sheegeen in xeer hoosaadkan uu ka wanaagsan yahay kuwii ay ku dhaqmi jireen baarlamanadii hore oo sida ay xuseen qodobo is burinaya ay ku jireen.
Codeynta ka dib gudoomiyaha baarlamanka ayaa fadhiga ka sheegay in xeer hoosaadka ay ansixiyeen 188 xildhibaan oo ah tirade maanta soo xaadirtay uusana jirin xildhibaano diiday iyo kuwo aamusay, ayna wixii hadda ka dambeeya baarlamanku isku maamuli doonaan xeer hoosaadkaas.
Dhinaca kale xildhinaanada ayaa fadhigaas isku weydiiyey sababaha ay u hor iman waayeen wasiirada Gaashaadhiga iyo arrimaha gudaha oo ay horey u dalbadeen ka dib markii todobaad loo qabtay uu dhamaaday, hase ahaatee gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in labada wasiir ay ku maqan yihiin howlo shaqo ayna maalmaha soo socda hor iman doonaan.