Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weeraro qaraxyo ah lagu qaaday guriga uu magaaladaas ka degan yahay gudoomiyaha magaalada.
Qaraxyadan ayaa qaarkood ahaa kuwa gacanta laga tuuray halka kuwa kalana gurigiisa la hordhigay waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Sidookale Qaraxaasi ayaa lagu soo waramayaa in uusan geeysan wax dhaawac ah oo uu ku dhacay meel Banaan ah oo cidna joogin.
Baaritaan saf balaaran ah oo ay qaadeen Ciidamada Dowlada ayaanan lagu soo qaban Cidii ka denbeeysay Qaraxaasi.
Mana ahan markii ugu Horeeysay oo la weeraro Xarumaha Madaxda Dowlada ay kadagantahay Gudaha Magaalada Baledweyn,
Asbuucii La soo dhaafay ayaa bartamaha Magaalada Beledweyn lagu dilay Nagadoonkiii guud ee Gobolka Hiiraan taasoo Cadeeyn u ah amaan darida kajirta Magaalada Baledweyn oo ay haatan gacanta ku hayaan Ciidamo Dowlada/ Amison iyo itobiyaan oo aan dhaafsiisneey in kabadab 7 km,