Xildhibaano ku baaqay in la joojiyo dagaalada u dhaxeeya labo beelood oo walaalo ah oo galgaduud ku dagaalamayo.
Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha ku dagaalamaya deegaanka Mareer ee Galgaduud ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen colaada u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.
Xildhibaanka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dagaalada ka soo cusboonaaday Galgaduud, waxaana uu xusay inay dhibaato ku tahay dadka reer miyiga oo dhowaan la kulmay abaaro xanuun badan.
"Waxaan aad uga xunahay colaada ka soo cusboonaaday deegaanada Galgaduud, waxaa la hadlay duubkii beesha aan aniga u dhashay, dhalinyarada iyo waxgaradka, waxaa ka codsaday inay dagaalka joojiyaan"ayuu yiri Xildhibaan Geeseey.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu la hadlay xildhibaanada ka soo jeeda beesha kale ee dagaalamaysa, isagoo weydiistay in dhinacooda ka qeyb qaataan daminta colaada, isla markaana la baajiyo dhiiga daadanaya.
"Aniga waxaa la hadlay Xildhibaan Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Abtidoon, waxayna ii sheegeen inay ku dadaalayaan in dagaalka iyo colaada la joojiyo, rajo ayaan ka qabnaa in dagaalka la joojin doono"ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaanka.
Xildhibaan Geeseey ayaa ugu baaqay labada beelood inay xusuustaan nimcada uu Alle siiyay, isla markaana ay xusuustaan cawaaqib xumada ka dhalan kara colaadahan oo kale, isagoo xusay in alle ay ku shukriyaan labada beelood ee walaahaha dagaalamaya.
Xaalada ayaa saaka degan, iyadoo dhaawacyada labada dhinac la kala geeyay deegaanada Ceel-garas iyo Cadaado, halkaasoo labada beelood ay kala degaan.