Guddiga ku howlan qabashada magacyada Xildhibaannada ka mid noqon doona Baarlamaanka cusub ee uu dalku yeelanayo ayaa sheegay in meel gebogebo ah ay marayaan qabashada magacyada xildhibaannada ay soo gudbinayaan odayaasha dhaqanka ayadoo guddigana uu tilmaamay in howlaha qabashada ay ku egtahay ugu dambeyn gelinka dambe ee maanta.
C/llaahi Xiirane oo ka mid ah xubnaha guddigan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee shalay ayaa faah faahin ka bixiyey halka ay marayaan howlahooda isagoo tilmaamay in 70%.ay shalay qabteen magacyada Xildhibaannaada cusub oo ay soo gudbiyeen odayasha dhaqanka, wuxuuna intaa ku daray in guddigu uu maanta sii wadi doono diiwaangelinta magacyada Xildhibaannada cusub balse sida uu sheegay ay howsha diiwaangelintu ay ku egtahay gelinka dambe ee maanta.
Arintan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in dalka looga saaro marxaladda KMG ah, iyadoo dhawaanna si KMG ah loo ansixiyay Dastuurka cusub ee dalka, haatanna ay heer gebageboo ah mareyso diiwaangelinta xildhibaannada cusub ee Baalramanka.